Muqdisho-RisaalaFM- Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala oo soo gaaray qeybihiisa ugu xiisaha badnaa ayaa waxa galabta Barnaamijka ku balansan Degmooyinka Cabdicasiis iyo Wadajir oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.
Degmooyinka Cabdicasiis iyo Wadajir oo goor sii horeysay aan khadka Telefoonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay diyaar u yihiin galabta in ay ka qeyb qaataan Tartanka degmooyinka Idacaadda Risaala.
Shirkadda Cabitaanada COACA COLA ayaa sanadkan taaba geliso tartan aqooneedka Degmooyinka Idaacadda Risaala.
Demooyinka Cabdicasiis iyo Wadajir galabta degmadii adkaata ayaa waxa ay ugudbi doontaa kama dambeysta Tartankan.
Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa galabta waxa uu bilaaban doonaa saacaddu marka ay tahay 04:00 PM Galabnimo.


