Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalinkii labaad ku sugan magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Waddanka Itoobiya ayaa waxaa uu xalay kulan casho sharaf ah la qaatay wasiirka arimaha dibadda dalka Itoobiya Dr.Tedros Adhanom.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya iyo Wakiilka Itoobiya u qaabilsan urur goboleedka IGAD, iyadoo kulanka lagu lafa guraayay arrimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya Dr.Tedros kulankooda waxay ay kaga wada hadleen guud ahaan arimaha Siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka iyo mawqifkii maamulka Puntland ay ka qaadatay go’aankii ay gaadhey dowladda federaalka Soomaaliya beesha caalamkuna ay soo dhoweysey.
Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya uu sheegay in todobaadkii lasoo dhaafay ay Puntland soo gaareen wafti ballaaran oo ka socda beesha caalamka kuwaas oo uu hoggaaminayay wakiilka xog hayaha guud ee qarama midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating kana mid ahaayeen danjirayaasha Maraykanka,England,Italy,Swedon,midowga yurub iyo midowga Afrika kuwaas oo kulamo kala duwan laqaatay maamulka, Baarlamaanka, bulshada rayidka ah, Isimada iyo siyaasiyiinta isla markaana ay indhohooda ku soo arkeen dareenka shacabk Puntland.




Sawirada xigasho Radio Muqdisho


