Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer oo ay colaad ku jirtay kadib ay haatan hayso dhabbada dib u soo kabashada iyo wax wada qeybsiga dalalka gobolka iyo caalamka intiisa kale.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Khartoum oo uu khudbad qiimo leh ugu jeediyay ardayda, macallimiinta iyo madaxda Jaamacadda Caalamiga ee Afrika (International Univeristy of Africa). Waxaa sidoo kale muxaadaradaasi ka soo qeybgaley mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadley taariikhda Soomaaliya iyo hannaanka hadda socda ee dhismaha Soomaaliya cusub oo ku saleysan dimoqraadiyad, xasilooni, horumar iyo iskaashi.
“Waxaa Soomaaliya ay cashar ka baratey xilliyadii adkaa ee ay soo martey. Waxaan sannadkan markii ugu horraysey dalka ka qabanqaabineynaa doorasho aan toos ahayn oo lagu soo dooranayo goleyaasha hoggaanka dalka. Waxaa Soomaali ay go’aansatey inay mustaqbal cusub dhisato, kaalinna ka qaadato arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka intaba’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxaa uu Madaxweynaha xusay in Soomaaliya dhanka amniga ay horumar la taaban karo ku tallaabsatey , balse ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah looga wada qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah ururka argagixisada Al Shabaab, oo uu sheegay inuu ku dhisan yahay aydoloojiyad shisheeye.
Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale xusay in Soomaaliya oo kheyraad badan uu Ilaahay ku maneystey ay weli shacabkiisa baahan yihiin, taasina ay ka dhalatey qalooc ku yimid siyaasaddii dalka lagu hagayey, haatanna la joogo waqti Soomaalida oo dhan looga fadhiyo inay la yimaadaan siyaasad wanaagsan oo dalka u horseeda nabad iyo horumar.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan ayaa sheegay in labada waddan uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo iskaashi, xukuumadda Khartoum-na ay wax badan u qabatey Soomaaliya.
“Soomaaliya iyo Suudaan waa laba dal oo walaalo ah, oo wax badan ay ka dhexeeyaan, xiriirkoodana qotada dheerna uu yahay mid mar walba wanaagsan. Suudaan waxay gacan aan la iloobi karin u fidisey Soomaaliya, dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, tababarka ciidammada booliska, amniga iyo weliba dadaalo dheeri ah oo ay ka sameysey isku soo dhoweynta kooxihii dhanka siyaasadda isku hayey Soomaaliya’’.
Waxaa uu Madaxweynaha soo dhoweeyay heshiiska cusub ee Soomaaliya iyo Suudaan ee sameynta guddi iskaashi oo heer wasiir ah, iyo weliba fikir uu soo jeediyay Madaxweyne Field Marshal Omer Hassan Ahmed Al-Bashir oo ah in la abuuro suuq dhaqaale oo ay yeeshaan waddamada gobolka.



