Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka rajay xarumaha Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha bulshada iyo tan howlaha guud oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay.
Waxaana madaxweynaha munaasabadaas kal qeyb galay xubno ka tirsan Labada Gole ee dowladda, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Taliyaha ciidanka Booliska iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha iyo xubnaha la socday waxa ay warbixinno ka dhageysteen taliyaha qeybta guud booliska gobolka Benaadir Jeneral Cali Xirsi Barre Cali Gaab, oo madaxda uga warbixiyay saldhigyada ciidanka boliiska 17-ka degmo ee gobolka Banaadi.
Xasan Sheekh iyo wafdiga uu hogaaminayo waxa ay kormeer ku tegeen xarumaha labada Wasaaradood ee kala ah Holwaha guud iyo Shaqaalaha, waxa uu warbixin ka dhageystay labada Wasaaradood, oo Madaxweynaha u sharxay dib u dhiska lagu sameeyay.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda labada Wasaaradood ku bogaadiyay dib u dhiska ay ku sameeyeen xarumahooda, waxaana mas’uuliyiinta kale ka dalbaday inay dib u dhistaan xarumaha Wasaaradaha ay u magacaaban yihiin.



