Madexweynaha maamulka Soomaliland Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xilka qaaday wasiirka wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaliland,iyo sidoo kale taliyaha ciidanka Badda Soomaliland.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay,JSL/M/XILQ/249/1-3973/042016 uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday, Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Taliyihii Ciidanka Badda Somaliland.
Digreetada Madaxweynuhuna waxay u dhignayd Sidan:-
- Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
Ø Ku: Mudane, Maxamed Jaamac Abgaal,
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
Og: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
Mudane,
Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
Ø Ku: Sarreeyo Guuto, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane),
Taliyihii Hore ee Ciidanka Badda JSL
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Madaxweynaha Soomaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay waday qorsho xilka looga qaadayo qaar ka mid madaxda Soomaaliland kuwasoo lagu eedeeyey in fulin waayeen amarada kasoo baxaya madaxtooyada Soomaaliland.


