Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha Uganda

Uganda-RisaalaFM- Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud ayaa maanta ka qeyb galay xafladii lagu maamusayay Caleemka saarka Madaxweynaha mar kale la doortay ee dalka Ugandha Yoweri Museveni, oo ka dhacday caasimadda dalkaasi Kambala.

Yoweri Museveni  ayaa  bishii April ee Sanadkan uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada  dalkaasi.

Warku wuxuu intaa ku daray in Xafladda caleema saarka, Musevani ay ka dhacday Garoonka Ciyaaraha ee Kampala, waxaana ka qeyb galay madax fara badan oo ka socota waddamada caalamka.

Madaxweyne Museni ayaa lagu dhaariyay dastuurka dalka isagoo uu horyaalay calanka dalka Uganda.

Madaxda caalamka ee ka qeybgashay xafladda caleema saarka Musevani ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Tanzania John Magufuli, Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir, Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe, Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma iyo Madaxweynaha Niger Maxamed Mahamadou Issa Yofouf.