
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne oo lamabrkiisa yahay 11, ku magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Puntland..
Madaxweynaha Maamulka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay:Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1.Waxaa Maxamed Cabdiweli Nuur (Timire) loo magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Puntland.
2.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
Maxamed Cabdiweli Nuur (Timire) ee Maanta uu Madaxweynaha Puntland u Magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga ayaa waxaa uu Kamid ahaa bahda Warbaahinta Puntland, isaga oo caan ku ahaa Barnaamijka AFMEER oo agu wareysan jiray raga katirsan Al-Shabaab ee Puntland ay qabato.



