Muqdisho-RisaalaFM- Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dowladda Mareykanka oo uu horkacayey Madaxa arrimaha Africa ee xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Mr Bruce Wharton.
Ugu horeyn Xasan Sheekh ayaa wafdiga Mareykanka uga warbixiyey horumarka siyaasadda, diyaargarowga doorashooyinka sanadkan, arimaha amniga iyo xiriirka Labada dal.
Wafdiga Mr Wharton oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka tirsan xafiiska safaaradda Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya , ayaa soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso, iyagoo si gaar ah u xusay doorashooyinka sannadkan dhacaya.
Mr Wharton ayaa sheegay in Mareykanka uu si buuxda u garab taagan yahay Soomaaliya, islamarkaana taageeradaasi sii socon doonto.
Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale wafdiga Mareykanka Kala hadlay dib u dhiska iyo isku dhafka ciidammada Soomaaliya, iyo weliba sida dowladda Federaalka ay uga go’an tahay in bisha August ay Soomaaliya yeelato baarlamaan cusub.



