Deg Deg: Qarax ciidamada dowladda lagula eegtay degmada Cadale

Cadale-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi Gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula eegtay Miinada nuuca dhulka lagu aaso.

Agaasimaha Warbaahinta Shabeellaha Dhexe C/kariin Aaloos oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in Miinadaasi aysan geysan wax khasaare ah oo ciidankii Gaariga saarnaa ay ka bad baadeen.

Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaan wali ka hadlin qaraxan ciidamada dowladda lagula eegatay duleedka degmada Cadale.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxan.