Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wadti uu hoggaaminayey ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.
Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Wasiirro, Xidhibaano iyo saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland ayaa soo dhoweynta kaddib waxaa loo soo gudbiyey madaxtooyada Soomaliya h.
C/wali Gaas ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan ee loo sameeyey, waxaana uu intaa sii raaciyey in ay halkaan u yimaadeen ka qayb galka shirka Madasha Wadatashiga qaran.
Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa shirka berrito ka furmi doona magaalada Muqdisho u rajeeyey in uu noqdo mid guul iyo horumar u horseeda ummadda soomaaliyeed.


