Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Abdule ee Magaalada Muqdisho wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan Bulshada Caasimada.
Socdaalka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee Magaalada Muqdisho ayaa ah ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo Xalada Dalka.
Sidoo kale waxaa isla Maanta Magaalada Muqdisho kusoo wajahan Madaxda kale ee dowlad Goboleedyada si ay shirka uga qeyb galaan.



