Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la caleema saarayo

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in lagu caleemo saaro magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo qaban qaabada munaasabaddan aad looga dareemayo magaaladaasi.

Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in la caleemo saaro madaxweynaha Koonfur Galbeed, sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ku sugan magaalada Baydhabo.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi la geeyey ciidamo dheeraad ah oo ammaanka suga.

Dhammaan waddooyinka gala xarunta loogu talogalay in lagu qabto munaasabaddan waxaa xirey ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Booliis iyo Nabad sugid.

Magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa ku sugan Wafdi Ballaaran oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.