Madaxweynaha KGS oo kulamo ka wada Magalada Nairobi

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Magaalada Narobia kula Kulmay Safiirka Dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya.
Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen Mashaariicda Dowladda Masar ay kawado Soomaaliya sidii ay qeyb ugu noqon laheyd Koonfur Galbeed.

Safiirka ayaa sheegay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka Caawin Doonaan Dhinacyada Cafimaadka iyo Waxbarashada ay u baahan yihiin Bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa Dhankiisa u mahaceliyey Dowladda Masar Garab istaaga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.