Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ee ku diriraya deegaanno hoos yimaada degmada Cadale ee Gobolka Sabeellaha Dexe in si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan colaadaas.
Madaxweynaha ayaa xusay in ayaan darro wayn ay tahay in waqtigaan la joogo dad ehel u dhexmaro dagaal sokeeye iyadoo deegaanadeena ay ka socdaan howlgallo guuleystay oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa faray Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulka Degmada Cadale, Ciidamada amniga qeybahooda kala duwan, Waxgaradka iyo Culuma’uudiinka in ay ku baxaan oo ay joojiyaan colaadaas, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah la isugu yimaado gogol nabadeed.
Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Alle uga baryay in naxariiistiisa janno uu ka waraabiyo dhamaan dadkii ku dhintay dagaalkaas, inta dhaawacantayna waxa uu Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah.



