Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay ku wajahan yihiin Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka socota qaban qaabo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Ujeedka Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen uu u tagayo Magaalada Jowhar ayaa lagu sheegay sidii ay uga qeyb gali lahaa Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle.
Magaalada Jowhar ayaa goor dhow lagu wadaa in ay ka bilaabato Munaasabad lagu dooranayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle uu yeelanayo.