Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Dharkeynley gaar ahaan xaafada Salaam ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan Barkhanimadii maanta ay halkaasi ku dileen Qof Dumar ah.
Kooxaha Dilka geystay ayaa la sheegay in ay ahaayeen Labo Dhalinyaro ah oo Bastoolado ku hubeysnaa, waxaana markii ay falkaasi geysteen kadib ay ka baxsadeen goobta uu Dilka ka dhacay.


