Warar ku saabsan xaalada Deegaanka Muuri

Sh/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada Deegaankaasi maanta ay degan tahay, kadib markii xalay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Deegaankaasi.

Dagaal saacado kooban qaatay ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo Dagaalyahanada Shabaab ee weerarka soo qaaday uu ku dhexmaray Deegaankaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Ciidanka Dowladda ayaa saakay dib ula wareegay Deegaanka Muuri oo saacado kooban ay heysteen Dagaalyahanada Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Wariyaha Risaala ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in xaalada Deegaanka Muuri maanta ay tahay mid degan, oo ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii dadweynaha ay dib u bilowdeen.