Jose Mourinho oo ka badis badan Liverpool (Taariiq)

Tababaraha Man United waxaa uu bilaabay inuu barto xirfada tababarnimada markii ugu dambeysay oo ay Liverpool qaado horyaalka England.

Tababaraha United ayaa si fiican u ciyaara marka uu booqdo garoonka Anfield ama marka uu la ciyaaraayo Liverpool.

3-dii October 2004 tababare Jose ayaa ciyaartiisii koowaad ka hor tagay Liverpool waxaana uu kaga badiyay 1-0.

Ilaa hada Mourinho  ayaa ka hor tagay Reds 12 jeer waxaana uu ka badiyay 8 jeer isagoo laga badiyay 2 jeer waxana ay bar bar dhac noqdeen 2 kulan.

Waa markii koowaad ee uu ka hor tagaaayo tan iyo markii loo magacaabay Man United.

Waa kuwaan dhamaan kulamada uu Jose ka hor tagay Liverpool isagoo wata Chelsea.

3 Oct, 2004: Chelsea 1 Liverpool 0

1 Jan, 2005: Liverpool 0 Chelsea 1

2 Oct, 2005: Liverpool 1 Chelsea 4

5 Feb, 2006: Chelsea 2 Liverpool 0

17 Sep, 2006: Chelsea 1 Liverpool 0

20 Jan, 2007: Liverpool 2 Chelsea 0

19 Aug, 2007: Liverpool 1 Chelsea 1

29 Dec, 2013: Chelsea 2 Liverpool 1

27 Apr, 2014: Liverpool 0 Chelsea 2

8 Nov, 2014: Liverpool 1 Chelsea 2

10 May, 2015: Chelsea 1 Liverpool 1

31 Oct, 2015: Chelsea 1 Liverpool 3