Inter Milan Oo Shaacisay In Kabtanimada Laga Qaadayo Mauro Icardi

Mauro Icardi ayaa muujiyay comments aysan ku farxin taageerayaasha Inter Milan kadib markii weeraryahanka buugiisa cusub uu ku dhaleeceeyay jamaahiirta kooxdiisa.

buugga, Icardi ayaa lagu sheegay arimo dhaleceyn ku ah jamaahiirta Inter Milan, taasoo keentay in hadda shaki la geliyo mustaqbalkiisa kabtanimo.

Icardi ayaa jamaahiirta ay ku oriyeen kulankii garoonka San Siroshalay oo axad ah Inter Milan qasaaraha la kulmeen.

Madaxweyne ku xigeenka kooxda Inter Milan Javier Zanetti ayaa xaqiijiyay in kooxda wadahadal ay la qaadan doonto Icardi si looga hadlo arimo quseeya kabtanimadiisa kooxda.

Waa qasab in aan isbedel sameyna si loo raali geliyo taageerayaasheena ayuu yiri daafacii hore ee Inter Milan Javier Zanetti.