Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kusii sagootiyey garoonka diyaaradaha ee Kanoonoko ee duleedka magaalada Garoowe Wasiirka arimaha dibadda Ethiopia ahna Guddoomiyaha Wasiirada arimaha dibadda ee urur goboleedka IGAD Dr. Tedros Adhanom.
Dr. Tedros Adhanom ayaa Garowe u tagay in uu qayb ka ahaado heshiikii dhexmaray maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in heshiiskii xalay lagu kala saxiixday Garowe uu ahaa mid taariikhi ah.
Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Dr. Tedros uu yahay damaanad qaadaha heshiiskaasi, isla markaana beesha caalamka ee goob jooga ka ahayd heshiiska ay markhaatiyaal ka ahaayeen wixii ay ku heshiiyeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.



