Maamulka degmada Hodan oo kulan la qaatay Odayaasha degmada” Sawirro”

Maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool degmadaasi.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha degmada Hodan iyo sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Hodan.

Ujeedka kulankaan ayaa ahaa sidii Odayaasha dhaqanka ay talooyin ugu soo gudbin lahaayeen maamulka degmada.

Gudoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo sheegay in kulankaan Su’aallo lagu weydiinayay mas’uuliyiinta degmada.

“Waxaan billownay geed fadhi ay isku arkayaan dadka degmada iyo dadka masuuliyada u haya, waxaan ku billownay taliyaha Booliiska iyo guddoomiyaha degmada si su’aalo loo weydiiyo iyaguna u dhageystaan talooyinka dadka ay u adeegaan. Geed fadhigii ugu horreeyey maanta waxaan la qaadanay odayaasha Degmada Hodan” ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Hodan.

4 1 2 3