Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xoojisay raacdada ay ugu jirto saxiixa gooldhaliyaha kooxda Lyon Alexandre Lacazette.
Xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaatay horyaalka Ligue 1 ololahii 2016 illaa 2017, isagoo dhaliyey 37 gool tartamada oo idil.
Kooxda Arsenal ayaana ugu cadcad inay keento horyaalka England Premier League xagaagaan, ka dib markii ay meesha ka baxday rajadii ay saxiixiisa ka laheyd kooxda Atletico Madrid ee dalka Spain oo xayiraad ka saaran tahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda illaa bisha Janaayo 2018ka.
Atletico Madrid ayaa xiddigaan Lacazette u aragtay bedelka Antoine Griezmann, laakiin The Sun oo ah majalad kasoo baxda Ingiriiska ayaa haatan sheegeysa inay Arsenal wadahadallo la furtay kooxda Lyon ee dalka Faransiiska si ay ugala soo wareegto 26 sanno jirkaan.
Warbixinta ayaa inaas ku dareysa inuu tababare Arsene Wenger dareenkiisa u weeciyey soo xerogelinta Lacazette ka dib markii uu ogaaday inuu weeraryahanka diiradda u saaran ee kooxda AS Monaco Kylian Mbappe uu kusii jeedo kooxda hanatay koobka UEFA Champions League ee Real Madrid maadaama uu taageero weyn u yahay ninka ay isku dalka yihiin ee kooxdaas maamula Zinedine Zidane.


