Agaasimaha guud ee kooxda AC Milan ee Waddanka Talyaaniga Marco Fassone ayaa waqti kama dambeys ah u qabtay go’aan ka gaaridda mustaqbalka Goolhayaha naadiga Gianluigi Donnarumma.
Mustaqbalka Donnarumma ayaa cakiran kaddib markii goolhayahan 18 sano jirka ah uu diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Milan iyadoo hal xilli ciyaareed oo qurana uu ka dhiman yahay heshiiska uu naadigaasi kula joogo ee ku eg illaa June 2018.
“Waxaan eegeynaa dalabyada soo gaari doona Donnarumma, waxaana ka shaqeyn doonnaa in 03 July aan go’aan sugan ka gaari doonno mustaqbalka Donnarumma” ayuu Fassone u sheegay ‘La Gazzetta dello Sport’.
Maalinta go’aanka laga gaari doono mustaqbalka Donnarumma ayaa ah maalinta ciyaartoyda kooxda Milan bilaabi doonaan diyaar garowgooda xilli ciyaareedka 2017/2018.



