Liverpool oo soo geba-gabeysay xiisihii ay u qabtay Jadon Sancho

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ka baxday loolanka loogu jiro saxiixa Jadon Sancho oo katirsan kooxda Borussia Dortmund xagaagaan.

20 jirka garabka ka ciyaara ayaa lagu wadaa inuu noqdo ciyaaryahanka ugu xiisaha badan suuqa, iyadoo kooxaha Real Madrid, Manchester United, Chelsea, Manchester City iyo Barcelona dhamaantood lagu qiimeeyay inay xiiseynayaan.

Liverpool ayaa sidoo kale loo maleynayay inay Sancho u arkaan saxiixa riyada, laakiin Mirror ayaa sheegeysa inay haatan soo gabagabeeyeen xiisahooda.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa la sheegay inay kaliya ka fiirsan doonaan inay soo nooleeyaan raacdadii ay ugu jireen gooldhaliyahaan hadii Mohamed Salah, Sadio Mane ama Roberto Firmino midkood ka tago kooxda.

Xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa door bidaaya inuu ku laabto wadankiisa hadii uu ka tago Dortmund xagaagan, ka bixitaanka Liverpool ayaa ka dhigeysa meelaha ugu macquulsan ee uu ku biiri karo Man United iyo Chelsea.

Si kastaba ha noqotee, warbixinta ayaa sheegeysa in naadiyada Premier League midkoodna uusan dooneynin inuu bixiyo qiimaha haatan lasoo bandhigay, iyadoo la fahamsan yahay inuu ugu yaraan yahay 100 milyan oo ginni ku dhaqaqi karo.

Sancho ayaa si toos ah ugu caawiyay 30 gool 23 kulan oo uu saftay Bundesliga koxodiisa xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 14 gool islamarkaana abuuray 16 kale.