Jordan Henderson ayaa laga yaabaa inuu seego Euro 2016, ka dib dhaawac jilibka ka soo gaaray xalay,iyadoo Jurgen Klopp uu sheegay in dhawacaan yahay mid halis ah.
Divock Origi ayaa dhaliyay goolka muhimka ah ee kooxda marti aheyd lugta hore ee wareega quarter-finalka Europa League oo barbaro 1-1 ah kusoo dhamaaday.
laakiin kabtanka Liverpool Henderson, oo dhawaan uun kasoo laabtay dhawac ayaa markale kulankaan laga saaray qeybtii dambe.
Kabtanka Liverpool ayaa u duuli doona Merseyside maanta halkaas oo ku mari doono scan ,waxaana laga cabsi qabaa in dhaawacisa jilibka bidix ah u yahay mid halis ah.
muddo dheer ayuu ku maqnaa karaan dhawacan ma aheyn mid sahlan ayuu yiri tababaraha Liverpool,
Tababaraha England Roy Hodgson ayaa xulkiisa Euro ku dhawaaqi doona 12 May , Klopp ayaa yiri: “Waa niyad jab in xiddiga uu soo gaaray dhawac.