Liverpool oo dhameystirtay saxiixa daafaca dambeedka dhexe Ragnar Klavan

Liverpool ayaa dhammeystirtay saxiixa daafaca dambeedka dhexe Ragnar Klavan kaasoo qalinka ugu duugay qandaraas muddo dheer ah ka dib markii uu kaga soo biiray kooxda Augsburg.

30 sanno jirkaan ayaa usoo dhaqaaqay kooxda ka dhisan Anfield Road ka dib markii ay Reds qiimo lacageed gaaraya 4.2 milyan oo ginni saxiixiisa ugala heshiisay kooxdiisa Jarmalka ka dhisan.

Dejan Lovren iyo Joel Matip ayaa ahaa daafacyada keliya ee dambeedka dhexe ka ciyaara kara ee taam u ah kooxda tababare Jurgen Klopp, sidaas darteed Klopp ayaa u baahnaa inuu daafaca dambeedka dhexe ka xoojiyo Liverpool ka dib dhaawacyadii soo gaaray Mamadou Sakho iyo Joe Gomez, halka ay kooxda ka huleeleen Martin Skrtel iyo Kolo Toure xagaagaan.

Kabtanka qaranka Estonia Klavan, ayaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ka ciyaarayey horyaalka Bundesliga, waxaana la filayaa inuu xalliyo dhibaatada daafaca dhexe ka heysata Reds, wuxuuna imaanayaa Merseyside isagoo kooxdiisii Augsburg ka caawiyey inay shabaqa ilaashato 11 ka mid ah 31 kulan oo uu u saftay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

“Xaqiiqdii sharaf ayey ii tahay inaan ka qeyb noqdo kooxdaan la yaabka leh,” Klavan ayaa sidaasi u sheegay hillinka Liverpool. “Waa ay adag tahay inaan dareenkeyga erayo ku qeexo sababtoo ah 22 sanno ayaan maanka ku heystay inaan ka ciyaari horyaalka England Premier League isla markaana aan ka qeyb noqdo Liverpool.

“Premier League waa horyaalka ugu soo jiidashada badan adduunka wuxuuna heystaa ciyaartooy la yaab leh. Dalkaani waa hoyga kubadda cagta.”

Klavan ayaa noqonaya saxiixii shanaad ee ay xagaagaan sameyso Liverpool ka dib Marko Grujic, Loris Karius, Sadio Mane iyo Matip.