Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta kulan ka tirsan Tartanka maamul goboleedyada dalka Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium ku wada cayaaray kooxaha Galmudug iyo Hiiraan Shabeelaha Dhexe, waxaana cayaarta ay aheyd mdi aad uxiiso badan.
Kooxda Galmudug ayaa guuldaro 1 iyo 0 kala kulantay kooxda Hiiraan Shabeelaha Dhexe, waxaana goolkaas uu ahaa mid soo daahay.
Kooxda Hiiraan Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay Group B ee tartankan ugu soo baxday kaalinta koowaad kadib markii labadii kulan ay tartankan ka cayaartay ay guuleysatay, waxaana ay sidaasi ku keensatay 6 dhibcood, Halka kooxda Galmudug ay Tartankan isaga hartay iyadoo aan weli guuleysan, waxaana ay raacday wadadii ay horey umartay kooxda Koonfur Galbeed.
Shalay ayaa la xaqiijiyay in wareega Afar dhamaadka Tartanka maamul goboleedyada dalka ay ugudbeen kooxaha Puntland iyo Banaadir, waxaana galabta raacay oo wareegaas kula biiray kooxaha Hiiraan Shabeelaha Dhexe iyo Jubbaland.
Groupka A ee tartankan ayaa waxaa ku jiray kooxaha Puntland, Banaadir iyo Koonfur Galbeed, waxaana ka hartay Groupkan Koonfur Galbeed.
Halka Groupka B ee tartankan ay ku wada jireen kooxaha Hiiraan Sh/Dhexe, Jubbaland iyo Galmudug, waxaana Groupkan isaga hartay kooxda Galmudug.
Tartanka maamul goboleedyada dalka ayaa waxaa isugu soo haray ilaa iyo 4 kooxood, waxaana ay kala yihiin Banaadir, Puntland, Hiiraan Sh/Dhexe iyo Jubbaland.
Maalinta beri oo khamiis ah ayaa tartankan laga nasan doonaa waxaana wareegiisa Afar dhamaadka dib loo sii amba qaadi doonaa maalinta Jimcaha ah.


