Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ayaa goor dhow ka furmay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shirka furay oo sheegay inuu yahay shirkaan markii u horeysay oo Muqdisho lagu qabto.
Waxaa uu Mahadceliyay dalalka OIC dadaallada ay ku taageerayaan Soomaaliya oo xilliggaan kasoo kabaneysa dagaallo.
Kheyre ayaa sidoo kale dalalka shirka ka qeyb galaya ka codsaday in ay sii waddaan taageeradda ay siiyaan Soomaaliya.
Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ayaa la aas aasay sanadkii 2007-dii.




