SAWIRO: Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar oo soo gaaray Muqdisho

Sultan bin Saad Al-Muraikhi Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho.

Sultan bin Saad Al-Muraikhi, ka mid ah wafuuda ka qeyb galaysa Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ,Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.