MW Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusa mareeb

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaasi ku soo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

 

Tagistiisa Galmudug ayaa waxaa si weyn u diiday maamulka Puntland, iyagoo ka digay in imaanshihiisa magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in heegan buuxa ay galiyeen Ciidamadooda taasi oo ay sheegen in ay kaga hortagayaan Safar ay sheegen in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagayo Koofurta Magaalada Gaalkacayo.

Waxey ka digeen dagaal ka dhaca koofurta Gaalkacayo oo ay sheegen in masuuliyadeeda uu qaadayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Booqashadiisa Galmudug ayaa la xiriirta xeritaanka tababar ciidan iyo sidii xal looga gaari lahaa arrinta ku saabsan khilaafka doorashada ee ka dhalatay Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caawa ka qeyb galaya xaflada sanad guurada 14 August ee maamulka Galmudug.