Waxaa xarunta ciidamada UK ee degmada Beled Xaawo lagu qabtay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen saraakiisha ciidamada kala duwan ee ku sugan degmada.
Shirkan ayaa ahaa kulan gaar ah oo looga hadlayay arrimaha amniga, nabadgelyada iyo xasilloonida degmada Beled Xaawo iyo guud ahaan Gobolka Gedo, iyadoo saraakiishu ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo isku-duwidda ciidamada.
Shirka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka ee deegaannada Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur, waxaana ka qeyb galay Taliyaha Qeybta 43-aad, Col. Cismaan Xaaji, iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo, Aadan Maxamed Saciid Dhafay, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada kala duwan.
Saraakiisha ayaa kulanka xoogga ku saaray muhiimadda ay leedahay in ciidamada kala duwan ay yeeshaan iskaashi, wada-shaqeyn iyo isku-duwid joogto ah, si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo xasilloonida deegaanka.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo nabadgelyada Beled Xaawo iyo Gobolka Gedo.
“Khilaafka Siyaasiga ee u dhexeeya Jubbaland iyo Gedo in xal laga gaaro ayaan rajeynaynaa, ciidamadii dagaalamay hadda hal dhufeys ayay ka geli doonaan, colaada waan soo afjaraynaa” ayuu yiri Cabdi Rashiid Janan.



