Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal kooban oo xalay ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka isku magacaabay Koonfur Bari iyo ciidan uu hoggaaminayay Xuseen Geeley, oo la sheegay inuu ka tirsanaa garabka Koonfur Galbeed.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in isku dhaca uu sababay dhimashada laba qof oo dhinacyada iska soo horjeeday ka kala tirsanaa.
Dhinaca maamulka Koonfur Bari, waxaa la sheegay inuu dagaalka ku dhintay Xasan Cadiimole, oo lagu sheegay inuu ahaa taliyaha madaxtooyada maamulkaas. Dhanka ciidanka uu hoggaaminayay Xuseen Geeley, waxaa la soo wariyay inuu ku dhintay nin magaciisa lagu soo koobay Aweys Kalafoow.
Wararka laga helayo magaalada ayaa tilmaamaya in isku dhacu uu ahaa mid kooban, iyadoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin faahfaahinta buuxda ee khasaaraha iyo sida uu dagaalku ku billowday.
Xaaladda magaalada Marka ayaa la sheegay inay saaka deggan tahay, kaddib markii ay xalay halkaas ka dhaceen iska horimaadyada.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay magaalada Marka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo la xiriirta loollanka u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo maamulka isku magacaabay Koonfur Bari, kaas oo doonaya inuu magaalada ka taliyo.
Marka ayaa ka tirsan deegaannada uu maamulo Koonfur Galbeed, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafka labada dhinac uu horseedo iska horimaadyo kale haddii aan xal laga gaarin xiisadda taagan.



