AKHRISO: Warbixin Hawadda wasaqda ah waa tubaakada cusub

Hawadda wasaqda ah waa tubaakada cusub (new tubbaco) waxaa ciwaan looga dhigay warbixin kasoo baxday Agaasinka guud ee Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxa ayna sheegeen in ku dhawaad 7 milyan oo ruux sanadkiiba ay u geeriyoodaan ku neefsashada hawo wasaqeysan awgeed.

“Adduunka si isku mid ah ayuu gees kaga soo jeestay ka hortaga isticmaalka Tubaakada, sidaas si lamid ah waa in aan meel kaga soo jeesanaa ka hortaga hawada wasaqeysan oo aynu hada u aragno in ay tahay Tubaakada cusub” sidaasi waxa lagu yiri warbixinta kasoo baxday xafiiska Agaasimaha WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyes.

Tobanka Magaalo ee ugu hawo wasaqda badan ayaa gebigooda ku yaalla Gudaha dalka India haba ugu darnaatee Magaalada Delhi oo la sheegay in ku neefsashada Magaaladaasi in ay halisteeda leedahay.

“Dhalaanka ayaa ah dhibanayaasha ugu nugul dhibaatada ay leedahay ku neefashada hawada wasaqeysan iyadoo 300 oo Milyan oo caruur ahi ay ku nool yihiin dhul ku hareersan Qiic (Qaac) ka dhasahay Qashin la gubay” sidaasi waxaa Wargeyska The Gaurdian u sheegtay Dr Maria Neira Agaasimaha qeybta caafimaadka guud ee Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ( World Health Organisation)

Koox quburo dhanka caafimaadka ah oo daraasad ka sameeyey dhibaatada hawada wasaqeysan ayaa sheegay in ay sii kordhayso tirada u geeriyoota hawada wasaqeysan, ayna kasii badanayso tirada u geeriyoota Tubaakada waxa ayna fahansanyihiin in ay adagtahay in si sahlan wax lagaga qabto.

Daniel Krewski oo wax ka dhiga Jaamacada Ottawa ee Dalka Canada ayaa ku nuux nuuxsaday in hal qof ama Hay’ad oo kaliya aynan waxba ka qaban karin dhibaatadaani.

”Waxaa loo baahanyahay ka go’naasho iyo dadaal dheeri ah oo uu qof waliba la yimaado si looga hortago ama xitaa ugu yaraan loo yareeyo dhibaatada hawada wasaqeysan” ayuu yiri Daniel Krewski.

WHO ayaa markeedii ugu horeysay todobaadka ina soo aadan Geneva ku qabanaysa shirkeedii ugu horeeyey ee ay kaga hadlayso dhibaatada hawada wasaqeysan iyo sidii looga hortagi lahaa.

WD: Ayuub Maxamed Axmed