Xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa ku amaanay dhowr ciyaartoy oo Liverpool ah qaab ciyaareedka ay leeyihiin.
Virgil Van Dijk, oo uu ku garaacay abaalmarinta Ballon d’Or sanadkii hore, Alisson Becker, Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayuu dhaman ku amanay waxqabadkooda.
Van Dijk, Waa nin aad u adag, waana mid ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka.”
Halyeeyga kooxda Barcelona ayaa xusaya sida uu Alisson isagu kalsoonyahay isagoo yiri: “Waa nin aad u deggan. Waxa uu u muuqdaa inuu heysto waqti ka badan goolhayeyaasha kale.
Salah qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa ee gooldhalinta ayaa indhaha qabtay dunida, iyadoo Messi uu yiri: “Wuxuu cajiib u ahaa Liverpool FC. Waan jeclahay qaabkiisa.”
Waxa uu sidoo kale amaanay isku duubnida iyo tamarta Sadio Mane, isagoo xusay in: “Waa sida qadka dhexe, garabka, weeraryahan. Waa meel walba.”
Waxaa sidoo kale boos ka helay liiska xiddigaha uu xushay Messi Trent Alexander-Arnold madaama uu ku tilmaamay awoodiisa weerarka inay caawiso kooxda oo dhan.



