Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid yihiin kooxaha isha ku haya mustaqbalka Cristiano Ronaldo.
Weeraryahanka kooxda Juventus ayaa diiwaangeliyay 21 gool 22 kulan oo Serie A ah inta lagu jiray ololahaan 2019-20, inkastoo dhamaan kubada cagta Italy ay hada ganaax ku jirto kadib markii uu dillaacay coronavirus.
Wararkii u dambeeyay ayaa sheegayay in Juve lagu qasbi karo inay iska iibiso Ronaldo si ay uga jawaabto qalalaasaha mushaarka, iyadoo 35 jirka uu Isbuucii qaato 496 kun ginni.
Sida laga soo xigtay Marca, Ronaldo kooxdiisii hore ee United iyo PSG ayaa dhaqaale ahaan awood u leh inay heshiis la gaaraan xiddiga reer Portugal, waxaana ay yihiin labada koox ee ugu macquulsan ee gooldhaliyahaan qaadan kara hadii uu ka tago Juve.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in PSG ay u badan tahay inay iska iibiso mid ka mid ah Neymar ama Kylian Mbappe si ay u helaan Ronaldo, kaasoo arki doona qandaraaskiisa haatan Juve oo dhacaya 2022.
Ciyaaryahankii hore ee Real Madrid ayaa dhaliyay 53 gool 75 kulan uu saftay tartamada oo dhan kooxda Maurizio Sarri tan iyo markii uu yimid.



