Leicester City oo guul muhiim ah ka gaartay Sunderland

Leicester City ayaa sii dheereysay hogaanka Horyaalka Ingiriiska kadib markii ay kulan xiiso badan wajahday Sunderland.

Sunderland ayaa ciyar adag wajahday,lakiin waxaa marwalba ay aheyd mid ku xisaabtameysay in aan gool laga dhalin.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbaro goolal la’aan ah waxaaana labada dhinac ay sameeyeen fursado gool loo fishay.

Soo laabashada qeybta labaad Leicester City ayaa sameysay weerar badan,iyadoo ku fakireysay siyaadinta dhibcaha ay ku heyso Horyaalka.

Vardy ayaa dhaliyay goolkiisii 20-aad xilli ciyaareedkan ka dib markii uu cawinaad wanagsan ka helay Drinkwater.

Sundeland ayaa sameysay isku dayo ay ku dooneysay in ay kusoo barbareyso goolka lagu lahaa, waxaana dhowr jeer ay ku sigteen in ay dhaliyaan gool.

Leicester ayaa hogaanka sii dhareysatay dhamadkii ciyaarta markii gool qurux badan uu dhaliyay weeraryahanka ay ku duusho kooxdan ee Vardy, wuxuu ahaa goolkiisii labaad ee ciyaarta.