Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada.
Madaxweynaha ayaa waxa uu madasha ka jeediyay khudbad, waxaana uu sheegay in shirkan looga hadli doono ajendayaal ay ka mid yihiin dhaqan-gelinta nidaamka doorasho ee lagu heshiiyay, in laga munaaqishoodo barnaamijka siyaasadda dowladda ee amniga qaranka, iyo barnaamijka dib u eegista dastuurka KMG ee qaranka.
Waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay sii xoojiso dowladnimada iyo qaranimada dalka.
“Maanta waa maalin kale oo muhiim u ah qaranka Soomaaliyeed. Waddankeena waxaa uu ku tallaabsadey horumar dhinacyo badan, taasina waxaan ku gaarney waa isku tanaasul iyo dulqaad aan muujinay. Waxaan rajeynayaa inaan meesha ka sii wadno dadaalkeena aan horay ugu dhaqaajineyno dalka si aan u helno Soomaaliya cusub oo ku dhisan nabad, horumar iyo barwaaqo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Maanta ayay aheyd markii Muqdisho uu ka furmay shirka Madasha wadatashiga qaran, waxaana isugu yimid madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.


