Laba koox oo ku dagaalaya saxiixa Cesc Fabrigas

Cesc Fabrigas wuxuu u muuqadaa mid dhaqaaqi kara bisha Janaayo, iyadoo haatan xiisihiisa ay ku dagaalamayaan kooxaha ka dhisan Serie A ee Inter Milan iyo AC Milan.

Labada kooxood ee Milan ayaa doonaya xiddiga khadka dhexe ee Chelsea, waxaana laga yaabaa inuu ugu dhaqaaqo 31 jirkaan beeca xor tahay.

Fabrigas qandaraaskiisa Chelsea wuxu dhacayaa bisha June ee sannadka soo aadan, waxaana uu diidan yahay inuu wadahal qandaraas cusub ah la yeesho mamaulka Bules, sida wararku ay sheegayaan.

Xiddiga diirada u saaran tahay Inter Milan xagaagaan ayaa ahaa Luka Modric oo Real Madrid katirsan, laakiin waxay ku guul darreysteen inay fuliyeen dalabkii ay ku doonayeen ninka reer Croatia.

Inter Milan ayaa haatan isku dayeysa inay u dhaqaaqdo Fabregas, laakiin Chelsea ma dooneyso inay iibso ciyaaryahanka waqtigaan.

Tababre Luciano Spalletti ayaa lasoo saixixday Radja Nainggolan oo kaga yimid AS Roma heshiis 33 milyan oo ginni ah, iyadoo Davide Santon iyo Nicolo Zaniolo ay sidookale kooxdiisa heshay.