Toby Alderweireld ayaa u sheegay taageerayaasha Tottenham inuu marnaba ka tagi dooonin kooxdiisa xagaaga.
Iyadoo qandaraaska uu kula jiro Spurs uu dhawyahay, daafacaan lala xiriirinayay kooxda Manchester United intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ayaa meesha ka saaray cabsida laga qabo mustaqbalkiisa.
Laakiin kahor kulanka ay la leeyihiin xulkiisa Iceland, Alderweireld ayaa yiri: “Dunida oo dhan way ogyihiin qiimeha aan u leeyahay kooxdeyda.
Waqtigaan waxaa sheegi karaa inana ku faraxsanahay halkaan, waxaan sheegi karaa inaan kusii sugnaan doono waqti badan.
“Tottenham ayaa dhowr dalab oo kaga yimid kooxda Manchester United iska diiday intii uu furnaa suuqa kala iibsiga, Mourinho ayaana u arka ciyaaryahanka mid kamid ah daafacyada ugu giican dunida.



