Ciidamada xoogga dalka oo isugu jira kuwa Qaybta 21-aad iyo Ururka 15-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay kusoo qabteen dad lala xiriirinayo falkii 26-maalmood kohor lagu dilay Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka oo ku safrayay wadada isku xirtay Guriceel iyo Balambale.
Howlgalka oo ka dhacay wadada xiriirisa degmooyinka Guriceel & Balanballe ayaa Ciidamada waxaa ay kusoo qabteen ilaa 7 Ruux, kuwaas oo malmihii la soo dhaafay ay Ciidamada baadi-goob ku hayeen.
Saraakiisha Ciidamada howlgalka hoggaaminayay ayaa waxaa ay sheegeen in xog ay ka heleen dadka degaanka ay ku suurto gashay inay kusoo qabteen raggaas, isla markaana cadaaladda horkeeni doonaan.
9-kii Bishii December ee sanadkii 2020 ayaa maleeshiyaad hubeysan waxaa ay rasaas ku fureen Gaari ay saarnayeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaliya, xilli ay marayeen wadada xiriirisa Guriceel & Balanballe, waxana weerarkaas ku dhintay lix Sarkaal.
Dilka Saraakiisha ayaa lala xiriirinayay aanooyin qabiil oo sanadihii la soo dhaafay kajiray degaano ka tirsan galmudug, waxaana horay ay Ciidamada dowladda Gacanta ugu dhigeen dad looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin falkaas.



