Laamaha Amniga oo gacata ku dhigay waxyaabaha maanka dooriya iyo Nin ka Ganacsanayay

Taliska qeybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in  Ciidanka Booliiska Qeyta galbeed iyo ciidanka Boliis Militare oo howlgal wadajir ah waday ay  soo qabteen ,maandooriye tira badan oo xashiish ah.

War kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in Xashiishka lagu qabtay Nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo  Cabduqaadir Cabdullaahi Axmed, isla markaana lagu xiray saldhiga Booliiska wadajir, lana horgeyn doono Cadaalada.

Sidoo kale Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Shacabka inay laamaha Amniga kusoo wargeliyaan waxkasta oo lidi ku ah amniga oo ay arkaan iyo waxyaabaha maanka dooriya.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa laamaha amniga Goolka Banaadir waxaa ay wadeen howlgallo ka dhan ah waxyaabaha maanka dooriya,iyaga oo xiray xarumo lagu isticmaalayay.