DHAGEYSO: Kumanaan Tahriibiyaal ah oo laga soo badbaadiyay

Talyaaniga-RisaalaFM- Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Taliyaaniga ayaa sheegay in badwaynta Mediterranean-ka ay ka soo badbaadiyeen 4,500 oo Tahriibiyaal ah khamiistii shalay aheyd oo kaliya.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay sare u kacday tirada Muhaajiriinta ka imaanaya waqooyiga Afrika iyadoo haatan baddu ay tahay mid degan.

Dadkan Tahriibayaasha ah ayaa la sheegay in ay ku jiraan dad ka soo jeeda dalalka Itoobiya, Uganda, Soomaaliya, Tanzania, Kenya iyo dalal kale, waxaana la sheegay in ay doonayeen in socdaal sharci daro ah ku galaan dalalka Yurub si ay uhelaan nolol dhaanta mid ay ku heystaan dalalkooda.

Qaramada Midoobay ayaa horaantii Bishan warbixin ay soo saartay waxay ay ku sheegtay in 10 kun oo qof ay dhinteen iyagoo isku dayaya in ay ka talaabaan badweynta Mediterranean-ka si ay u gaaraan Yurub Labadii sano ee la soo dhaafay.

Xilliga uu soo dhawaado xagaaga oo ay badu degto ayey kooxda wax tahriibaya bilaabaan hawlahooda ay dadka uga soo qaadayaan xeebaha dalka Liibiya. Balse inta badan doonayaha dadka lasoo saaro ayaa ah kuwo duugoobay oo intooda badan bada ku dhex dega.

Ugu dambeyntii, arintan ayaa waxa ay imaaneysaa xilli tahriibayaal ay ku jiraan soomaaliya aanan tiro yareen ay ku dhinteen xeebaha u dhaxeeyo Talyaaniga iyo Liibiya taasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay la hadal haayay.