Ciidamada dowladda iyo kuwa AMIOSOM oo howlgallo ka wada Koonfur Galbeed

Diinsoor-RisaalaFM- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo gaar ah waxa ay ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgalladan ay yihiin kuwo ururka Al-shabaab looga saarayo deegaanada iyo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Saraakiisha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si looga hortago falalka lidiga ku ah amaan darada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku wehliya howlgaladan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan.

Maamulka degmada Diinsoor ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay bur buriyeen Saldhigyo ay ururka Al-shabaab ku lahaayeen deegaanada howlgalka laga sameeyay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada AMISOM ee howlgalka ujooga Soomaaliya ayaa waxa ay gobolada dalka qaar ka wadaan howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Horey maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu usheegay in ay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo isku fura wadada udhaxeysa gobolada Baay iyo Bakool.