Kulan u socdo Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Jubbaland

Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo ay wehlinayaan Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo taliyaha Ciidanka xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi (Indhaqasrhe) iyo Taliyaha Ciidanka booliska Janeraal Bashiir Cabdi Maxamed ( Ameeriko)

Siweyn ayaa halkaasi loogu soo dhaweeyey, isaga oo khubad u jeediyey boqolaal ruux oo ka qeyb qaatay soo dhaweyntiisa, kuwaas oo ku sugna Barxada Aargada Magaalada Kismaayo.

Wararka aan haatan Kismaayo ka heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Guriga Nabada Jubbaland uu kulan horudhac ah uu uga socdo Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Kulanka ayaa waxa ay uga arrinsanayaan kulamada waaweyn ee uu Ra’iisul Wasaaraha la yeelan doono Madaxda Jubbaland iyo deegaanada uu booqan doono saacadaha  soo socda.