Kulan dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Khamiis 23-Jannaayo-2020 magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmey Safiirka mareykanka u fadhiya Soomaaliya mudane Donald Yukio Yamomoto.

Kulanka ayaa lagaga wada hadley xaalada Siyaasada dalka, arrimaha amniga iyo mashaariicda horumarineed ee ay Wakaalada Horumarinta ee Maraykanka (USAID) ka wado deegaanada Jubbaland.

Xaalada siyaasada ee dalka ayay madaxweynaha iyo safiirku isla qireen muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada si caqabadaha kala duwan ee dalku kujiro si wadajir ah loogu wajaho xalna looga gaaro.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey ciidamada Maraykanka ee ku sugan magaalada Kismaayo kuwaas oo la howlgala ciidamada Jubbaland qeybahooda kala duwan ee sida joogtada ah ula dagaalama argagixisada ragaadisey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa Dowlada Maraykanka ugu mahadceliyey Wakaalada Horumarinta ee Maraykanka (USAID) taas oo tiro mashaariic ah ka fulisey deegaanada xorta ee Jubbaland.

Ugu danbeyn safiirka Maraykanka ee Soomaaliya mudane Yamomoto ayaa madaxweynaha Jubbaland uga mahadceliyey sida hagar la’aanta ee uga qeyb qaatey nidaamka deyn cafinta Soomaaliya.