Liverpool iyo Bayern München oo min shan horyaal oo Yurub ah heysta, ayaa kulmi doona caawa markii ugu horeysay tan iyo 2001.
Waa laba ka mid ah kooxaha ugu guulaha badan taariikhda Koobka Kooxaha Yurub, marka ay ku kulmayaan caawa lugta hore ee wareega 16ka UCL.
Koox kasta waxay ku guuleysatay shan koob, iyadoo Liverpool markii ugu dambeysay hanatay tartankaan sanadkii 2005 , halka Bayern hanatay 2013kii.
Kooxda Ingariiska ee Liverpool waxaa garaacday Real Madrid finalkii xilli ciyaareedkii hore lagu qabtay magaalada Kive ee dalka Ukrian, halka Bayern ay ku hareysay semi-finalka tartankaan afartii sanno ee ugu dambeysay.
Xilli ciyaareedkan Bayern ayaa si fudud kaga soo baxday Group E, halka Liverpool ay u baahatay inay lix kulan kadib xaqijiyaaan kasoo bixista Group C.
labada koox ayaa taariikh hodan ah ku leh tartanka yurubta laga ciyaaro, laakiin markii ugu horeysay muddo 18 sanno ah kadib ayay isku arki doobnaan tartamada Yurub.
Lyon vs Barcelona
Lyon ayaa ku jirta wareega 16ka Champions League markii ugu horeysay mudo todobo xilli ciyaareed ah kadib, laakiin waxaa horyaala imtixaan adag oo ah inay ka badiyaan kooxda Barcelona oo wax dhib ah aan ku qabin inay garaacdo kooxaha ka dhisan France.
Inkastoo kooxda Faransiiska ah ay ku jirto wareega 16ka markii ugu horeysay tan iyo 2011/12, Barcelona ayaa sanad walba kasoo muuqaneysay marxaladaan oo kale tan iyo 2003/04.
Barcelona ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo kamid ah 17kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay UEFA Champions League ka ciyaarta, halka Lyon oo ku dhameysatay kaalinta labaad ee Group F ay kusoo baxday xaalad isku qasan.
Kulamadaan waxaa la daawan doonaa 11:00 PM



