Sarri oo lumiyay Kalsoonida Taageerayaasha Chelsea

Guuldarro kasoo gaartay Manchester United ayaa kentay inuu lumiyo qeybo badan oo ka mid ah taageerayaasha Chelsea tababare Maurizio Sarri.

Chelsea waxay hore u badashay macalimiin marar badan, lakiin waa ay adkeyd in la arko taageerayaasha oo ku garab taagan mamaulka kooxda in la ceyriyo tababarahooda.

Haaatan taaageerayasha Chelsea ayaa ka ceyrsan nidaamka uu ku maaamulo tababare Sarri kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge oo lumisay FA Cup ka dib markii guuldarro 2-0 ka soo gaartay Manchester United.

Daqiiqadii ugu horeeyay ciyaarta Pogba iyo Ander Herrera ayaa shabaq agaaray, taasoo keentay in mustaqbalka Sarri ka fakiraan mamaulka Blues.