Booliska Soomaaliland oo war ka soo saaray qaraxii ka dhacay Hargeysa.

Xalay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaa ka dhacay qarax ka dhashay sida ay boolisku sheegeen bambo-gacmeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada booliska Somaliland ayaa lagu yiri: “Waxa bambo-gacmeed ku qaraxday goob ay fadhiyeen laba askari oo ka tirsan Ciidanka Milatariga Jamhuuriyadda Somaliland, sababtay dhaawaca laba askari iyo laba qof oo shacab ah oo ku sugnaa goobta. Dhammaan dadka dhaawacmay waxa loo gudbiyey Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa”.

Warkan kooban ee ka soo baxay ciidamada ayaa sidoo kale lagu faahfaahiyay sababta keentay in bambo-gacmeedku ay qaraxdo.

“Bambo-gacmeedka ayaa dhulka kaga dhacay mid ka mid ah askarta dhaawacantay, mana jirto wax ujeeddo ah oo loo tuuray bambo-gacmeedka, waxaana socda baadhitaan dheeraad ah”.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad u beeninayaa wararka marin-habaabinta ah ee lagu baahiyey baraha bulshada ee sheegaya in qarax ka dhacay magaalada Hargeysa”.