Man Utd oo Chelsea ka reebtay FA Cup & Isku aadka Quarter-finalka

Paul Pogba ayaa dhaliyay hal gool mid kalana caawiyay kulankii Manchester United ay 2-0 ku garaacday kooxda Chelsea ciyaar ka dhacday Stamford Bridge kana tirsaneyd wareega shanaad ee FA Cup.

United, ayaa wajihi doonta Wolves kulan ka dhici doona Molineux kana tirsan wareega quarter-finalka kadib markii isla xalay lagu dhawaaqay isku aadka wareega 8da tartankan.

Goolal qeybtii hore ee ciyaarta ka yimid Ander Herrera iyo Pogba ayaa keentay in Manchester United guul 2-0 ah kasoo gaarto kooxda Chelsea.

Isku aaadka Quarter-finalka FA Cup

Swansea City v Manchester City

Watford v Crystal Palace

Wolves v Manchester United

Millwall v Brighton