Labo Carruur ah ayaa ku geeriyooday ka dib markii ay qabsatay koronto kadhex dhalatay Biyaha roobka oo ay ku ciyaarayeen caruur kunoolaa degmada Xamar jajab.
Carruurta ayaa ku ciyaarayay biyo ka dhashay roobkii xalay ilaa iyo saakay ka da’ayay Muqdisho,waxaana biyaha ku dhex jirtay Fiilo Koronto oo ka soo dhacday Baalihii ay ku xirneyd.
Dhibaatadaan ayaa waxa ay saakay ka dhacday meel biyo fadhiisin ah oo ku dhaw Dugsiga tababarka ciidanka Booliska ee Jeneraal Kaahiye gaar ahaan qeybta xaafadda Soomaali Frout oo ka tirsan Degmada Xamar jajab.
Labada Carruurta ah ee geeriyootay ayaa da’dooda lagu kala sheegay 12 iyo 13 jir waxaana meydkooda loo qaaday Laanta Dambi barista CID ee Muqdisho.
Marka la gaaro Xilli Roobaadka ayaa sidaan oo kale dhowr jeer oo hore waxaa Koronto ugu dhintay Carruur ku ciyaaraayay goobaha biyo fadhiisinka ah.



